Haddii aad dooneyso inaad farxad ku noolaato Jooji 5-tan qodob

9 Nofembar 2023
Inta badan waxaynu maqalnaa dhammaan waxyaalaha ay tahay inaan samayno si aan u helno nolol farxad leh, oo dhammaystiran. Laakiin ka waran waxyaalaha ay tahay in aan joojino samayntooda si aanu ugu noolaano nolol farxad leh?
Rumayso ama ha rumaysan, in aad maya tiraahdo waxyaalaha qaarkood waxa ay muhiim u tahay farxaddaada.
Waxaanu eegeeynaa dhowr qodob oo ay tahay inaad joojiso si aad farxad ugu noolaato.
1: Inaad wax walbo haye tirahdo
Inaad noqoto qof waxa walba ‘haye’ yirado ah ma ahan jawaabta ugu fiican ee aad bixiso.
Dhab ahaantii, waxaanu niraahnaa 'maya' marar badan, sooma ogid inuu jiro filim dhan oo la yirahdo (Yes Man) oo ku saabsan waxyaabaha suurtogalka ah ee dhacaya adduunka.
Laakiin, ‘haa’ had iyo jeer maaha jawaabta ugu fiican – gaar ahaan ma aha haddii aad rabto inaad faraxsanaato.


2: Baacsiga kaamilnimada ama nolol dhameystiran
Waxaa laga yaabaa inaad wali kuugu jirto maskaxdaada inaad aaminsan tahay in ku dadaalida kaamilnimada ay kuu horseedeyso farxad.
Dhab ahaantii, raadinta kaamilnimada ayaa si liddi ku ah u diidaysa inta badan buuxinta iyo raaxaysiga nolosha.
Bal qiyaas haddii qof walba uu gaaro heerkaas nolosha dhameystiran.
3: Cuqdadda ama inaad qof caloosha xumaan ugu hayso

In qofka uu xumaan dareemo marka khalad laga galo waa wax iska caadi laakiin waxaa lagaaga baahan yahay inaad iska ilaaliso inay uur ku taallo kuugu noqoto khaladka laga galay ama cuqdad u hayso qofkii ku xumeeyay.
Uma baahnid inaad qof cafiso ama aqbasho joogistiisa haddii ay si dhab ah kuu dhaawaceen.
Laakin aqbal inaadan raali ka ahayn ficilada kuwa ku dulmiyay adoon cuqdad u qaadeynin.
4: Ka fakarka wixii horay kuu soo maray ama mustaqbalka
Inay maskaxdaada markasta ku jiraan wixii horay kuu soo maray ama aad markasta aad ka fakartaa mustablaka marnaba kuuma fiicna.
Soo celinta xusuusta waayihii hore sida cajaladihii filimadii hore waxay kuugu noqon karaan qabatin.
5: Cabsida guuldarrada

Cabsida guul-darradu waxay kaa joojin kartaa inaad tallaabooyin hore u qaado si aad himiladaada u gaadho oo aad uga shaqeyso horumarkaaga.
Si aad naftaada u wanaajiso, waxaa muhiim ah in aad hesho habab aad ku samayso waxyaalaha adag, xitaa marka cabsidu ay dib kuu celin karto. Taasi waa sababta ay muhiim u tahay inaad ka shaqeyso cabsidaada guuldarada oo aad si fudud uga baxdo aaggaaga raaxada.
Si aad u wanaajiso habka aad uga guulaysan karto cabsida, waxaad ku bilaabi kartaa waxyaabo yaryar waxaadna ka shaqayn kartaa jidkaaga horumarinta cabsida. dadweynaha adigoo saxiixday si aad u bixiso siminaar shaqada.
Xusuusnow in guuldaradu ay tahay wax nolosha ku jira, taasina waa caadi. Iska ilaali rabitaanka inaad is tanaasudho markaad guuldarraysato. Qabso guuldarada oo u arag inay tahay jaranjaro lagama maarmaan ah oo aad ku gaadhayso yoolalkaaga.
ncG1vNJzZmivp6x7o67CZ5qopV%2BovK6ty6JmmqqknrCtsdJomnFoaKy3cYXJqaOo